jeudi 5 novembre 2009

Xafladdii furitaanka 'Timocadde University' ee magaalada Gebiley. Xafladdii furitaanka 'Timocadde University' ee magaalada Gebiley.



(waaberinews)unaasibad loo sameeyay furitaanka Jaamacadda Timacadde oo laga dhisay duleedka Waqooyi ee Gabilay, isla markaana loogu magacdaray Abwaankii weynaa ee reer Somaliland Cabdillaahi Suldaan Timacadde, ayaa waxa ka qaybgalay Wasiiro Xukuumadda ka socday, Masuuliyiinta sarsare ee Xisbiyada Siyaasadda, Culima-awdiin, Aqoonyahaniin, Madax-dhaqameed, Marti-sharaf iyo dadweyne kale oo tira badan.

Ugu horeyn Badhasaabka Gobolka Gabilay Maxamed Aw Cabdi (Xabiib), oo xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Maanta xadhiga laga jaro Jaamacadda Gabilay oo ay hawsheeda la bilaabay wakhtigii Gobolka loo magacaabay, isla markaana waxa uu gacmo furan ku soo dhaweeyay guud ahaanba Masuuliyiintii iyo Marti-sharaftii Munaasibaddaa ka qaybgalay. "Waxaan idinku soo dhawaynayaa Xafladan xadhiga lagaga jarayo Jaamacadda cusub ee Timacadde oo aan aad ugu faraxsanahay inaynu maanta isugu nimaadno furitaankeeda. Waxaanan idin leeyahay ku soo dhawaada Gabilay, idinka oo ku mahadsan wakhtigiina qaaliga ah ee aad u soo horteen inaad ka soo qaybgashaan xafladdan." Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Gabilay.

Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro), oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa soo dhaweeyay Jaamacaddan cusub, waxaanu isla madashaas kaga dhawaaqay lacag qaadhaan ah oo 2000 oo Doollarka Maraykanka ah, waxaana qof kasta oo ka mid ahaa dadkii Madashaa Jaamcadda loogu wanqalay kaga dhawwaaqay lacag qaadhaan ah oo ay ku darsadeen hawlaha Jaamacadda cusub.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-Gadhwayne), oo xafladaas ka hadlay, ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashadu hore u xidhay ruqsadda jaamacado cusub oo dalka laga sameeyo, si aanay tayadu uga lumin, balse Madaxweyne Rayaale jaamacadda Gabiley ee Tima-cadde uu ku ogolaaday digreeto madaxweyne, taas oo noqotay jaamacaddii kowaad ee uu digreeto ku soo saaro.

"Waxaan idiin sheegayaa in jaamacaduhu wada yihiin ku-meelgaadh, sharcigoodu muu dhammaan oo sharci-yaqaanka ayaa darsaya, aqooyahankeenii ayaa soo diyaariyey, guddi qaabilsan waxbarashada sare ayaa loo samaynayaa, kadibna qiimayn ayaa lagu samayn doonaa dhammaan jaamacadaha dalka inay leeyihiin wixii jaamacad laga rabay," ayuu yidhi Xasan-gadhweyne. Wasiirku waxa kale oo uu ka waramay qorshaha wasaaraddiisa ee horumarinta waxbarashada, taas oo uu xusay inay sannadkan ugu muhiimsan tahay in waxbarashada la deegaameeyo, si meel kasta looga helo waxbarasho.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), ayaa isaguna hadal dheer oo uu Munaasibaddaa ka jeediyay waxa uu kaga hadlay muhiimadda waxbarashada iyo sida loogu baahan yahay in awoodda laysugu geeyo kobcinta aqoonta bulshada. Waxaanu sheegay in Somaliland gaadhi dallacan oo Foosto saaran. Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi Gaariye. "Nimanyahow gaadhi baynu saaranahay, gaadhigaasina wuu dallacan yahay oo foostooyin ayuu saaran yahay, darawalku halka hore ayuu fadhiyaa, shicibkuna buudhiga ayuu saaran yahay, gaadhigaasi wuu istaadhan yahay oo taayirada ayuun baa wareegaya, rakaabka gaadhiga saarani way wada hurdaan oo bustaa wada saaran, koomay ku jiraan, guuxaa ayuun bay dhegaysanayaan markay sannad hurdaan ayuun bay odhanayaan oo halkii ayuun baynu taaganahaye wixii guuxayey muxuu ahaa."


"Kolba darawalka saaran ayey odhanayaan ka soo deg mid kale ayaanu saarayaaye. Weli waxa la la'yahay caqligii odhan laha waar gaadhigu wuu dallacan yahaye dhulka dhiga taayiradu ha wareegaane. Waar bal waxaan leeyahay doorkan maanta ah waxaad inoo doorataan cid taayirka dhulka dhigta oo bahalka ha dhaqaaqee illeyn guux uun dhagaysan mayno toban sannadoode, nabadgelyadana inoo ilaaliya." Sidaa ayuu yidhi Abwaan Gaariye.

Xafladdii furitaanka 'Timocadde University' ee magaalada Gebiley.

(waaberinews)unaasibad loo sameeyay furitaanka Jaamacadda Timacadde oo laga dhisay duleedka Waqooyi ee Gabilay, isla markaana loogu magacdaray Abwaankii weynaa ee reer Somaliland Cabdillaahi Suldaan Timacadde, ayaa waxa ka qaybgalay Wasiiro Xukuumadda ka socday, Masuuliyiinta sarsare ee Xisbiyada Siyaasadda, Culima-awdiin, Aqoonyahaniin, Madax-dhaqameed, Marti-sharaf iyo dadweyne kale oo tira badan.

Ugu horeyn Badhasaabka Gobolka Gabilay Maxamed Aw Cabdi (Xabiib), oo xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Maanta xadhiga laga jaro Jaamacadda Gabilay oo ay hawsheeda la bilaabay wakhtigii Gobolka loo magacaabay, isla markaana waxa uu gacmo furan ku soo dhaweeyay guud ahaanba Masuuliyiintii iyo Marti-sharaftii Munaasibaddaa ka qaybgalay. "Waxaan idinku soo dhawaynayaa Xafladan xadhiga lagaga jarayo Jaamacadda cusub ee Timacadde oo aan aad ugu faraxsanahay inaynu maanta isugu nimaadno furitaankeeda. Waxaanan idin leeyahay ku soo dhawaada Gabilay, idinka oo ku mahadsan wakhtigiina qaaliga ah ee aad u soo horteen inaad ka soo qaybgashaan xafladdan." Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Gabilay.

Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro), oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa soo dhaweeyay Jaamacaddan cusub, waxaanu isla madashaas kaga dhawaaqay lacag qaadhaan ah oo 2000 oo Doollarka Maraykanka ah, waxaana qof kasta oo ka mid ahaa dadkii Madashaa Jaamcadda loogu wanqalay kaga dhawwaaqay lacag qaadhaan ah oo ay ku darsadeen hawlaha Jaamacadda cusub.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-Gadhwayne), oo xafladaas ka hadlay, ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashadu hore u xidhay ruqsadda jaamacado cusub oo dalka laga sameeyo, si aanay tayadu uga lumin, balse Madaxweyne Rayaale jaamacadda Gabiley ee Tima-cadde uu ku ogolaaday digreeto madaxweyne, taas oo noqotay jaamacaddii kowaad ee uu digreeto ku soo saaro.

"Waxaan idiin sheegayaa in jaamacaduhu wada yihiin ku-meelgaadh, sharcigoodu muu dhammaan oo sharci-yaqaanka ayaa darsaya, aqooyahankeenii ayaa soo diyaariyey, guddi qaabilsan waxbarashada sare ayaa loo samaynayaa, kadibna qiimayn ayaa lagu samayn doonaa dhammaan jaamacadaha dalka inay leeyihiin wixii jaamacad laga rabay," ayuu yidhi Xasan-gadhweyne. Wasiirku waxa kale oo uu ka waramay qorshaha wasaaraddiisa ee horumarinta waxbarashada, taas oo uu xusay inay sannadkan ugu muhiimsan tahay in waxbarashada la deegaameeyo, si meel kasta looga helo waxbarasho.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), ayaa isaguna hadal dheer oo uu Munaasibaddaa ka jeediyay waxa uu kaga hadlay muhiimadda waxbarashada iyo sida loogu baahan yahay in awoodda laysugu geeyo kobcinta aqoonta bulshada. Waxaanu sheegay in Somaliland gaadhi dallacan oo Foosto saaran. Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi Gaariye. "Nimanyahow gaadhi baynu saaranahay, gaadhigaasina wuu dallacan yahay oo foostooyin ayuu saaran yahay, darawalku halka hore ayuu fadhiyaa, shicibkuna buudhiga ayuu saaran yahay, gaadhigaasi wuu istaadhan yahay oo taayirada ayuun baa wareegaya, rakaabka gaadhiga saarani way wada hurdaan oo bustaa wada saaran, koomay ku jiraan, guuxaa ayuun bay dhegaysanayaan markay sannad hurdaan ayuun bay odhanayaan oo halkii ayuun baynu taaganahaye wixii guuxayey muxuu ahaa."


"Kolba darawalka saaran ayey odhanayaan ka soo deg mid kale ayaanu saarayaaye. Weli waxa la la'yahay caqligii odhan laha waar gaadhigu wuu dallacan yahaye dhulka dhiga taayiradu ha wareegaane. Waar bal waxaan leeyahay doorkan maanta ah waxaad inoo doorataan cid taayirka dhulka dhigta oo bahalka ha dhaqaaqee illeyn guux uun dhagaysan mayno toban sannadoode, nabadgelyadana inoo ilaaliya." Sidaa ayuu yidhi Abwaan Gaariye. Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Wasiirka Gaashaandhiga ee Somaliland iyo taliyaha ciidanka oo kulan la qaatay dadka reer Laascaanood


Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed iyo Taliyaha Ciidanka Nuux Ismaaciil Taani ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha,ciidamada amniga iyo guud ahaanba shacabka reer Laascaanood,iyagoo safarkoodu la xidhidhay tacsida marxuunkii dhowaan ku geeriyooday magaalada Laascaanood,oo ahaa taliyihii qaybta 12-aad ee ciidanka.
Ugu horeyn taliyaha ciidanka Somaliland Nuux Taani ayaa sheegay inay Laascaanood u yimaadeen inay ciidanka iyo guud ahaanba shacabka reer Laascaanood uga tacsiyeeyaan geeridii ku timid ala ha u naxariistee Korneyl Cusman Yuusuf Nuur,oo bam lagu qariyey wadada dhinaceeda lagu dilay.Taliyaha ayaa sheegay inay u soo tacsiyeeyeen xaaskii iyo caruurtii marxuunkaas,hadana ay la qaybsanayaan tacsida guud ahaan shacabka Somaliland."Waxaa muhiim ah in meel looga soo wada jeesto gacan-ku-dhiiglayaashii ka danbeeyey qaraxyadii ka dhacay magaalada,oo aan ciidanka oo keliya lagu halayn inay soo qabtaan dadkii falkaas ak danbeeyey,balse si wadajir ah loo wada shaqeeyo,nabadgelyadana loo wada ilaashado" Sidaas waxa yidhi Mr Taani oo ku sifeeyey marxuunkii geeriyooday nin qaali ahaa,oo dadku ay jeclaayeen.Waxaa isna ereyo tacsi iyo warbixin ah halkaas ka jeediyey wasiirka Gaashaandhiga,isagoo sheegay in marxuunkaasi ahaa nin oday ah,oo si weyn ugu soo shaqeeyey qaranka Somaliland,lana tebi doono.Caaqil Axmed Hoolif oo ku hadlay magaca odayaasha degmada Laascaanood ayaa ugu horeyn tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday marxuunkaasi,wuxuuna Caaqilku sheegay in ninkaasi uu ahaa nin shacabka reer Laascaanood si fiican isu fahmeen,oo la tashan jirey odayaasha iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada."Waa waajib in gacanta lagu soo dhigo gacan-ku-dhiiglayaashii ka danbeeyey dilka marxuunkaas,si buuxda ayaana ula shaqaynaynaa ciidamada amniga ee baadhista wada"sidaas waxaa yidhi Caaqil Axmed Hoolif,oo sheegay inay saaxiib ahaayeen marxuunkaas,aqoon fiicana uu u lahaa.Waxaa sidoo kale isna hadalkii qaatay Abwaan Cali Qamar,isaga oo sheegay in ay ka xun yihiin dilka loo geystey marxuunkaas,ayna waajib tahay dadka reer Laascaanood iyo guud ahaanba gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle ay ilaashadaan nabada ay haystaan."Waxaan ka digayaa belo madax la qaybtay leedahaye,minjo la qabto ma leh,sidoo kale waxay soomaalidu tidhaahdaa "Nimaan kuu furi doonin yaanu kuu rarin",oo dad aan wax dan ah idiin hayn,yaanay durbaan idiin tumin"ayuu raaciyey hadlkiisa Oday Cali Qamar oo ka mid ah,odayaasha aadka looga tixgeliyo deegaamadaas.
Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Guddida Joogtada ee Golaha Wakiilada oo Sheegay in la Anshax-marinayo Xildhibaano ka Qayb Galaya Shir lagu Kulansiiyo Somaliland iyo Soomaaliya.



Hargeysa(waabarinews) Nov. 02, 2009 - Xildhibaano ka tirsan Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in ay Shir-gudoonka Wkiilada u gudbinayaan anshax marin la xidhiidha Mudaneyaal ka tirsan golah Wakiilada, oo ka qayb galay shir Hay’ada UNDP ay dalka Jabuuti ugu qabanayso Baarlamaanka Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland oo gorfeynayo xakamaynta HIV/AIDS iyo sidii shuruuc loogu samayn lahaa.
Shirkaasi ka qaybgalaya xildhibaano ka tirsan goleyaasha wakiilada iyo guurtida, sidaasi waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo ay Xarunta Golaha ku qabteen laba Xildhibaan.
Guddoomiye ku xigeenka Guddi hoosaadka joogtada ah Golaha Wakiiladda Somaliland mudane Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in golaha wakiiladu ay dhambaal tacsi ah u dirayaan qoysaskii, ciidanka qaranka iyo shacbiga Somaliland ee u ka baxay taliyihii qaybta 12aad ee ciidanka qaranka Cismaan Yuusuf Nuur, oo ku dhintay qarax qorshaysan oo ka dhacay Axadii magaalada Laascaanood, waxaanu cambaareeyey cidii falkaasi ka dambaysay oo uu ku baaqay in maxkamad la soo taago.
“Gacan ku dhiigleyaashii ka dambeeyey falkaasna waxaanu ka codsanaynaa maamulka inay si degdeg ah u soo qaybtaan si maxkamad loo horkeeno,: ayuu yidhi xildhibaan Nacnac.
Gudoomiye ku xigeenka Guddida Joogtadu wuxuu sheegay in xcildhibaano ka tirsan Golahooda oo ka qaybgalaya shir lagu kulansiinayo baarlamaanada Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya, oo lagu qabanayo Jabuuti, waxaanu yidhi “Waxa jira niman xidhibaano ah oo tegay iyo kuwo ka hadhay oo Jabuuti kaga qaybgalaya shir ay ku kulm,ayaan baarlamaanka Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya iyadoo Somaliland-na laga dhigayo Gobol ka mid ah Soomaaliya, waxa xildhibaanadaasi haysta qaraar sharci oo labada gole ee baarlamaanku anshixiyeen 2003-dii oo dhigayay in ay mamnuuc tahay ka qaybgalka shirarka Soomaaliya.”
“Waxaanu idiin sheegaynaa haddii aanu nahay Guddida Joogtada ee Wakiilada in aanaan waxba ka ogeyn, anigu waxba kama qaban karno ee shirgudoonka ayaanu anshaxmarinta xildhibaanadan u gudbinaynaa,” ayuu yidhi xildhibaan Nacnac, wuxuu u mahadnaqay mudaneyaal shirkaasi markii ay xogtiisa heleen ka baaqdeay.
Dhinaca kale, xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye ayaa ka hadlay shirkaasi waxaanu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii uu ka baxay taliyihii qaybta 12aad ee ciidanka qaranka, waxaanu tilmaamay inuu ka wada baxay qaranka oo dhan.
“Waxa xil naga saaran yahay inaanu darisno shirkan xildhibaanadu u baxeen, waxaana meesha yaala in shirkaasi ka qaybgalkiisu uu nusqaan ku yahay dalka, mar haddii Somaliland loo aqoonsanayn qaran madaxbanaan, way haboon tahay in Somaliland qadiyadeeda la iib geeyo, balse ma aha in aynu ka qaybgalno shir la inoogu soo casuumay gobol ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yidhi Mudane Obsiiye.
Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Xaflad Balaadhan Oo Loo Sameeyay Tageerayaal Ka Soo Digarogtay Xisbiga Mucaaridka Ee Kulmiye



Kuwaasi oo sheegay in ay ku Biireen Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Udub , Tageeryaasha Oo Gadhayeey Ilaa 200 Oo Qof . Waxana Xafladaasi Ka Soo Qaybgalay Xooghaya Guud Ee Xisbiga Udub Jamac Yaasin faarax iyo Badhasaabka Gobolka Hargeisa,iyo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Cali Cilmi Geele ,iyo Gudida Fulinta Ee Xisbiga Udub, Xafladaasi Oo Lagu Qabtay Xarunta Xisbiga Udub Ee Magaalada Hargeisa Ayaa Ahayd Mid si aad u Quruxbadan Loo Soo Agaasimay.
Waxa Ugu Horey Ka Hadlay Mid ka mid ah dhalinyaradii ka soo digarogtay xisbiga kulmiye kaasi oo ka waramay sababtii ku dhalisay in ay ka soo baxaan xisbiga kulmiye, oo uu ku tilmaamay in ay u cuntamiweeyada siyaasada xumada majarahaboowsan ee uu ku dhaqamo xisbiga kulmiye waxa kale oo uu ku dhaleeceeyay in xisbiga kulmiyee xubno ka tirsani ay yihiin qaar markaasta u taagan burburinta Somaliland Cadawna ku yihiin dalka iyo dadka . waxa kale oo xafladaasi ka hadlay gudoomiyaha xisbiga udub ee gobolka maroodi jeex Cismaan Waxar waxaanu sheegay in ay ka xisbi ahaan ay soo dhaweeynayaan tageeryaasha ka soo baxay xisbiga kulmiye ee ku soo biiray xisbiga udub waxaanu sheegay in ay garteen jidkii toosnaa waxaanu dardaanan u jeediyeey tageerayaashas oo uu u sheegay in aan xisbiga udub laga lahay oo ay u siman yihiin kii soo galay maalintii la sameeyay iyo kuwiinan imka ku soo biiray . waxa kale oo isaguna ka hadalay badhsaabka gobolka hargiesa
Waxaanu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay tageerayaal intaas leeg oo marqudha ka soo baxay xisbiga kulmiye kuna biiray xisbiga udub waxaanu dhalinyaradii ku dhiirigaliyeey in ay waxa la qabandoonaan, waxa kale oo uu ka hadlay xalada dalku halkay marayso waxaanu sheegay in ay soomaliland leedahay cadaw badan kuwaasi oo uu sheegay in ay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen sidii ay u dumin lahaayeen qarnimada somaaliland waxa kale oo uu sheegay in boolisku ay hayaan hawl aad u balaadhan waxaanu bulshada u soo jeediyeey in ay la shaqeeyaan Booliska oo Ku Nabada Suga

Waxa gabgabdii ka hadlay xooghayah guud ee udub jamac yaasiin farax waxaanu xisbiyada mucaaridka ku dhaleeceeyay in ay markasta bulshada been ay u sheegan oo ay yidhahadaan biyaha badaanu macaaneeynaynaa waxaanu uu yidhi “ markasta nimanka mucaaridku waxa ay yidhahadaan Badaas ilahay sameeyay ayaanu macaaneynaa oo waxaanu ka wada dhigaynaa maraq iyo caano, ciidana waxaanu kadhigaynaa bariis iyo canbaruud markaas dadweeynoow waxa la ogaadey in labaduba beenyihiin xaqiiqduse ma ah mid is qarinaysa , beentuna way soo baxdaa mar uun markaa waxa muuqata in ay beentii kulmiye ay sida cadceeda ka cadaatay waxaana daliil u ah markay ka soo digoroteen xisbiga kulmiye dhalinyaraas firfircoon kuwaasi oo u soo noqday halkii runtu taalay oo ah goobtan aynu manta joogno ee xarunta udub, waxaan kale oo aan u mahad celinayaa ragii soo qabanqaabiyeey cafladan



Sidaa maanta aad ugu soo biirteen xisbiga xooga wadanigaa ee udub waanu idinku hanbalyeeynaynaa firfircoonid aad ku soo kordhinaysaan iyo tayadaa ishalaahu waxaanu noqon doonaa kuwo si fiican u hanta sii wanaagsanna idiinka qayb galiya hawsha guud ee qaranka Somaliland ee ah in xasilooni iyo nabad galyo lagu keeno masiirka umadda ee ah inaynu kursiga xaqa aynu u leenahay jimciyada quruumaha u dhaxaysa aynu ku fadhiisano waxa inoo balana ah
Dhedig iyo labood intiinii hore u joogtey udub iyo intiina kaleba in kifaax
Midnimo iyo wadajir inaynu ku hawlgalno ayaa inoo balana :
Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Kismaayo: Al-Shabaab oo Shuruuc ka soo saartay Codadka Telefoonada & dareenka Shacabka


Nairobi (waabarinews)Kooxda Al-Shabaab ee ka taliya Magaalada Kismaayo, ayaa xukun ku soo rogay ciddii lagu qabto qaar ka mid ah codadka ay ku soo dhacaan Telefoonnada Gacantu. Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo Warkan baahisay, Kooxda Al-Shabaab ayaa mamnuucday Daawashada Filimada iyo sidoo kale Xarumaha lagu daawado. Sidoo kalena, waxay mamnuuceen Heesaha lagu codeeyo Telefoonada Gacanta ee cod ahaan ugu soo dhaca. “Al-Shabaab waxay doonayaan in Codadka Telefoonnadayadu noqdaan oo kaliya Xadiisyo iyo Quraan. Waxaan dhegaysan jiray Heesaha Hindiga ah, hase ahaatee, hadda waan tuuray.” Sidaa waxa tidhi oo Reuters u sheegtay Sacdiya Sheekh oo ka mid ah dadka degan Kismaayo.
Cali Maxamed Yuusuf oo da’diisu 19 Jir tahay, ayaa Gurigiisa dhuumasho kaga maqan, ka dib markii ay Kooxda Al-Shabaab xukun Karbaash ah kaga fulisay meel fagaare ah toddobaadkii hore, ka dib markii lagu qabtay Heeso Telefoonkiisa gacanta ku jira oo uu dhegaysanayay. “Ilaa imika way I damqanayaan 25-kii Karbaash ama Ulood ee layla dhacay.” Sidaa waxa yidhi Cali Maxamed oo u waramay Reuters. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxay igu eedeeyeen in aan Diinta u hoggaansami waayay. Mana doonayo hadda in aan kuu sheego halka aan ku suganahay, sababtoo ah waan cabsanayaa.”
Siday baahisay Reuters, dadka degan Magaalada Kismaayo ayaa tallaabadan ay Al-Shabaab qaadday ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciyadda, isla markaana waxay ku andacoodeen in Diiyan ay tahay in aan la kala goynin Axaadiista ee la dhegaysto, sidaas oo ay tahayna ay su’aali ka taagan tahay sida loo qabanayo ee looga jawaabayo Telefoonka Gacanta marka uu Xadiisku ku soo dhaco cod ahaan.

Degaanka Dhoobleey ee Jubada Hoose ayaa wararka ka imaanaya ay sheegayaan in ay weerar xoog leh ku hayaan libaaxyo koox koox ah sida la sheegay ka soo


Inkastoo libaaxyadan aysan si toos ah ugu soo dhaadhicin gudaha magaalada Dhoobley ayaa hadana waxaa ay halis geliyeen dadka degan afaafka magaalada oo ay libaaxyadaasi weerar daran ku soo qaadeen.
Libaaxyadaan ayaa lagu waramaaya in ay raadinayaan dhashooda oo sida la sheegay ay ka soo qaateen dad doonaaya in ay ka ganacsadaan dhasha libaaxyada.
Dadka deegaanka ayaa ku waramay in libaaxyada oo aad u caraysan ay dhaawaceen qiyaastii 2-qof oo rayid ah oo libaaxyadaasi ay ugu soo galeen guryahooda ka dib marki ay waayeen dhashoodii.
Mudooyinkan dambe ayaa waxaa lagu soo waramaaya ganacsiga dugaaga dhasha ah uu ku soo badanaayay gobolada Jubbooyinka ee dalka Soomaaliya halkaasi oo sida la sheegay looga sii dhoofiyo dalalka Kenya iyo kuwa kale ee deriska ah.

Degaanka Dhoobleey ee Jubada Hoose ayaa wararka ka imaanaya ay sheegayaan in ay weerar xoog leh ku hayaan libaaxyo koox koox ah sida la sheegay ka soo

Degaanka Dhoobleey ee Jubada Hoose ayaa wararka ka imaanaya ay sheegayaan in ay weerar xoog leh ku hayaan libaaxyo koox koox ah sida la sheegay ka soo duulaan tegay dhulka miyiga ah.
Inkastoo libaaxyadan aysan si toos ah ugu soo dhaadhicin gudaha magaalada Dhoobley ayaa hadana waxaa ay halis geliyeen dadka degan afaafka magaalada oo ay libaaxyadaasi weerar daran ku soo qaadeen.
Libaaxyadaan ayaa lagu waramaaya in ay raadinayaan dhashooda oo sida la sheegay ay ka soo qaateen dad doonaaya in ay ka ganacsadaan dhasha libaaxyada.
Dadka deegaanka ayaa ku waramay in libaaxyada oo aad u caraysan ay dhaawaceen qiyaastii 2-qof oo rayid ah oo libaaxyadaasi ay ugu soo galeen guryahooda ka dib marki ay waayeen dhashoodii.
Mudooyinkan dambe ayaa waxaa lagu soo waramaaya ganacsiga dugaaga dhasha ah uu ku soo badanaayay gobolada Jubbooyinka ee dalka Soomaaliya halkaasi oo sida la sheegay looga sii dhoofiyo dalalka Kenya iyo kuwa kale ee deriska ah.

Shalay: Xil-tirsigii Komishanka cusub iyo isdifaaca Guddigii hore





Hargeysa (waaberinews)- Komishanka cusub ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay xilka kala wareegay Guddigii hore ee culayskii la saaray isu casilay.
Munaasibad loo sameeyay xil-wareejinta oo shalay lagu qabtay Hargeysa, waxa ka qaybgalay Madax ka tirsan saddexda xisbi qaran, xubnaha Guddigii xilka wareejinayay, xubnaga cusub ee Doorashada iyo martisharaf kale.
Ugu horayn, Guddoomiye Kuxigeenkii Komishankii hore Cali Maxamed Cabdalla (Biikolo) oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu difaacay Guddigii uu ka tirsanaa. “Haddii ay noqotay in Komishankayagii hore lagaga baxsado murankii dalka ka dhacay, waanu aqbalay inaanu meesha ka baxno, laakiin waxaan doonayaa inaan tilmaamo waxyaabihii sababay in doorashadu qabsoomi waydo, si aanay mar dambe inoogu dhicin. Waxaan in badan maqlaa Komishankii hore (Komishankii 1aad ee Somaliland) in dadka dhexdiisa ay ka muteen ammaan badan oo la yidhaahdo saddex doorasho ayay qabteen, aniguna waan la qabaa. Laakiin, Komishankayagan xilka laga wareejinayo; waxa la yidhi ‘nin baa habari legaday, markaasay dadkii ku dhowaa aad iyo aad ula yaabeen oo ku yidhaahdeen, adigoo nin weyn ah oo xooggaas leh sidee ayay habari kuu legaday?. Wuxuu yidhi; ‘nimanyahow saddex baa isku kay galay, meesha aan joogay oo kala dheerayd iyo meesha oo sii-siibanaysay, Islaantuna sin-saarada ayay taqaanayoo way I legaday!,” ayuu yidhi Mr. Biikolo. Wuxuuna intaa ku daray, in Guddigoodii lagu sameeyay farogelin aanu xusin cidda ay kaga timi, taas bedelkeedana waxa uu ka digay inaan farogelinlagu samayn.
Guddoomiye kuxigeenkii Komishankii hore waxa uu sheegay in wixii fashiliyay Diiwaangelintu ay ahayd Mishiinka Serverka ee kala hufayay liiska Codbixiyeyaasha Somaliland.
Guddoomiyihii Komishankii is eersaday Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac-Sweden) oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu faahfaahin ka bixiyay sababihii xagal-daaciyay nidaamka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland.“Anigu run ahaantii, hadalka aan halkan ka jeedinayaa wuxuu noqonayaa mid aan isleeyahay cashar ha u noqdo Komishanka cusub. Ugu horeyn, mashruucii Diiwaangelinta markiiba waxaanu ka muujinay saluug, khaladka ugu weyn ee farsamo wuxuu ahaa nidaamka Farta oo aan waxba qabanayn, kaasoo ka soo horjeeda sidii loogu talogalay. Haddii Fartu qaban wayday waxaynu aad u la soconaa inaanay waxba soconayn oo aan la kala shaandhayn karin. Bani’aadmi ayaynu nahay oo waynu khaldami karnaa, waxaanu raali gelin ka bixinaynaa wixii khalad naga dhacay,” ayuu yidhi Jaamac Maxamuud Cumar. Wuxuuna intaa ku daray, “Ammaanta waxa leh xisbiyada Qaranka iyo labada Gole oo uu u muuqday Kursi aan meesha oolini. Dadweynuhu adkaysi badan bay sameeyeen, ammaantooda ayay leeyihiin, haddii Sharciga dalka u yaala la raaco mashruuca Diiwaangelinta waxba kama xumaanayaan. Markaa waxaan leeyahay Komishanka cusub iska hubiya gal ulbaa lagu hubiyaaye’e idinka oo u dhana isla eega.” Wuxuuna ku doodday in awood ahaan ay qaban karayeen doorashada, maadaama ay lixdan maalmood ku hirgeliyeen Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha. Hase yeeshee, waxa uu tilmaamay in Diiwaangelintu noqotay caqabada ugu wayn ee ay Doorashada ka qaban kari waayeen, wuxuuna faahfaahiyay duruufo kale oo Komishan ahaan deris la ahaa.
Mr. Jaamac-Sweden waxa uu sheegay in mar kasta ay Xukuumadda waajib ku tahay bixinta kharasha Doorashada lagu qabanayo oo dhan, wuxuuna soo jeediyay in aan la isku halaynin Deeqbixiyeyaasha dibadda, isla markaana waxa uu sheegay in talada dalku ay ku jirto gacanta Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu hambalyo iyo dardaaran u jeediyay Guddiga cusub ee Doorashada Somaliland. “Waxaan mahadnaq u soo jeedinayaa Guddiddii Doorashooyinka Qaranka ee xilka laga wareejinayo - inkasta oo waqti badani inaga lumay, haddana waxbay qabteen, waanad ku mahadsan tihiin inaad fududeysaan markii aad aragteen si kasta ha loo kala cowdee, kollay wax badan baad qabateen,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Wuxuuna intaa raaciyay; “Komishanka cusub aad baan u soo dhawaynaa - Illaahay ha u fududeeyo xilka, hawl culus baa idiin taala, waxa la shaqayn doontaan dad ajanabi ah iyo dad muwaadiniin ah, waxa looga baahan yahay Cadaalad badan, barnaamijkuna maaha mid fudud. Umadda iyo dunida oo dhan ayaa idin eegaysa, waxa wadamada Afrika ka dhacaya waad ogtihiin, gaar ahaan Soomaaliya oo dagaalkeedu ina soo gaadhayo, waxa la inagu colaadinayaa waxa weeye; Dimoqraadiyada, degenaanshaha iyo waxa aynu qabsanay oo laga xun yahay.”
Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee xisbiga talada dalka haya ee UDUB Jaamac Faarax Yaasiin oo hadal ka jeediyay munaasibadaa xil-wareejinta, waxa uu amaan u jeediyay Komishankii hore oo uu tilmaamay inay qaateen talaabo geesinimo ah, isla markaana ay tanaasuleen. Xoghayuhu waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaan Komishanka cusub. “Komishanka cusub waanu soo dhawaynaynaa, waxaan u sheegayaa xulistii la soo xulay inay ka dambaysay dhaar, dhaartuna waxay keenaysaa inaydaan kala raacin dhinacyada tartamaya. Waxaan odhan lahaa saddexda xisbi qaran aynu ka dayno dibin-daabyada hoose oo aynu ku dabaqno Shuruucda wadanka,” ayuu yidhi Xogahayha Guud ee xisbiga UDUB.
Cabdilaahi Siciid Ismaaciil oo u hadlay xisbiga UCID oo hadal kooban munaasibadaa ka jeediyay, waxa uu soo jeediyay in Axsaabta siyaasaddu hawsha Doorashada Komishanka u daayaan. “Qoladii (Komishankii) hore waxba ka odhan maayo oo waabay ka tageen meesha oo Xilka way wareejiyeen. Balse, qolada (Komishanka) cusub duco badan iyo waano badan waa la yidhi, hase ahaatee anigu waxaan qabaa inay yihiin niman Kambalka reerka loogu xidhay in uu cuno habar-dugaag. Niman loo xidhay in uu Libaax iyo bahal in uu cuno loo xidhay. Habar-dugaaggaasi ama wuu cuni ama way iska celin. Qofka laftiisana Xilkaa tuujiya oo wuxuu yahay baa soo baxa, dadnimadiisa, waddaniyaddiisa, Iimaankiisa iyo ragganimadiisa..Xilkaasi wuu idin tuujin, sidaa laydiinku ducaynayana, waanu idiinku ducaynaynaa ee Ilaahay Xilka ha idiin fududeeyo..Doorashooyinka masuuliyaddeeda wax leh Komishanka, maaha in ay Axsaabtu yidhaahdaan taana noo qabta Doorashada, taana ha qabanina,” ayuu yidhi Cabdillaahi Siciid-Dheere.
Guddoomiyaha Komishanka cusub ee Doorashada Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari) oo hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu u mahadceliyay Komishankii hore ee ay xilka kala wareegeen oo uu sheegay inay wax soo qabteen. Hase yeeshee, waxa uu tilmaamay in hawsha intii ugu badnayd ay iyaga Guddigooda cusub u taalo.
Guddoomiyuhu waxa uu shacbiga Somaliland u soo jeediyay inay ka dhursugaan Komishanka cusub oo uu sheegay inay dedaal u galayaan sidii ay Doorashooyinku u qabsoomi lahaayeen.
Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Burco: Shil baabuur oo sababay dhaawaca Afar Askari



Burco (waabarinews)- Afar askari oo ka tirsan Ciidamada qaranka Somaliland, ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Shil Baabuur Tuulada Kara-sharka ee Jidka dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Burco.
Sida uu ku soo waramay Weriyaha Ogaal ee Burco Mahad Cabdilaahi Faarax, Shilkan ayaa dhacay ka dib markii shalay Duhurkii uu mid ka mid ah Gaadiidka Ciidamada Qaranka Somaliland oo u socday Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool uu Taayir u baxay, isla markaana uu dhacay.
Gaadhigan oo ay saarnaayeen Ciidan tiro badan, ayaa ahaa nooca waawayn ee Ciidamada. Warku wuxuu intaa ku daray in Ciidamadan laba ka mid ah dhaawacoodu yahay mid culus, halka labada kalena uu fudud yahay. Kuwaas oo lagu dawaynayo Cusbatalka guud ee Magaalada Burco.
Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Kismaayo: Al-Shabaab oo Shuruuc ka soo saartay Codadka Telefoonada & dareenka Shacabka
Nairobi (Ogaal/Reuters)- Kooxda Al-Shabaab ee ka taliya Magaalada Kismaayo, ayaa xukun ku soo rogay ciddii lagu qabto qaar ka mid ah codadka ay ku soo dhacaan Telefoonnada Gacantu.
Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo Warkan baahisay, Kooxda Al-Shabaab ayaa mamnuucday Daawashada Filimada iyo sidoo kale Xarumaha lagu daawado. Sidoo kalena, waxay mamnuuceen Heesaha lagu codeeyo Telefoonada Gacanta ee cod ahaan ugu soo dhaca. “Al-Shabaab waxay doonayaan in Codadka Telefoonnadayadu noqdaan oo kaliya Xadiisyo iyo Quraan. Waxaan dhegaysan jiray Heesaha Hindiga ah, hase ahaatee, hadda waan tuuray.” Sidaa waxa tidhi oo Reuters u sheegtay Sacdiya Sheekh oo ka mid ah dadka degan Kismaayo.
Cali Maxamed Yuusuf oo da’diisu 19 Jir tahay, ayaa Gurigiisa dhuumasho kaga maqan, ka dib markii ay Kooxda Al-Shabaab xukun Karbaash ah kaga fulisay meel fagaare ah toddobaadkii hore, ka dib markii lagu qabtay Heeso Telefoonkiisa gacanta ku jira oo uu dhegaysanayay. “Ilaa imika way I damqanayaan 25-kii Karbaash ama Ulood ee layla dhacay.” Sidaa waxa yidhi Cali Maxamed oo u waramay Reuters. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxay igu eedeeyeen in aan Diinta u hoggaansami waayay. Mana doonayo hadda in aan kuu sheego halka aan ku suganahay, sababtoo ah waan cabsanayaa.”
Siday baahisay Reuters, dadka degan Magaalada Kismaayo ayaa tallaabadan ay Al-Shabaab qaadday ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciyadda, isla markaana waxay ku andacoodeen in Diiyan ay tahay in aan la kala goynin Axaadiista ee la dhegaysto, sidaas oo ay tahayna ay su’aali ka taagan tahay sida loo qabanayo ee looga jawaabayo Telefoonka Gacanta marka uu Xadiisku ku soo dhaco cod ahaan.
Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Xisaabiyaha guud ee Qaranka Axmed Maxamed Cabdi, ayaa beeniyay War lagu baahiyay Wargeysyada dalka qaarkood.


jiro Gaadhi uu leeyahay Xafiiska Xisaabiyaha guud oo Burco naga joogaa”
Xisaabiyaha guud ee Qaranka
Hargeysa (waabarinews)- .Xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in aanu jirin Gaadhi uu leeyahay Xisaabiyaha guud ee Qaranka ee Gobolka Togdheer oo ay wateen Rag difaacayay Nin ay isku dayeen Ciidamada Ammaanka ee Burco inay qabtaan toddobaadkan.
Qoraalkaas ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Xisabiyaha Guud ee qaranka, Axmed Maxamed Cabdi, waxa uu ka jawaabayaa War ku soo baxay Wargeyska Haatuf caddadkiisii 2186, ee soo baxay maalintii Isniinta ee bishu ahayd 02/11/2009. Warkaas oo nuxurkiisu ahaa nin Wadaad ah oo ay Ciidamada ammaanka Burco ay isku dayeen in ay qabtaan, isla markaasna uu halkaas iska hor-imaad ku dhex maray Ciidanka Booliska iyo ninkaas la sheegay in la qabanayay. Warkaas oo Ciwaankiisu ah “Wadaad la sheegay inuu ka tirsan yahay Ururka Al-Shabaab oo Ciidamada ammaanka Burco ku daba jiraan.” Markii aad nuxurka Warka hoos ugu dhaadhacdana, dulucdiisa ay ku jirtay qoraal sidan ahi; “Laba nin oo ka mid ah kuwa Wadaadka difaacayay, kuwaas oo watay gaadhiga Xisaabiyaha guud ee gobolka Togdheer Mr. Cabdirisaaq .“
Waxaanu warkaas aanu ku tilmaamaynaa in uu been abuur yahay, isla markaasna aanu sal iyo raad toona lahayn. Waayo, waxaanu shacabka Somaliland u sheegaynaa in warkaasi uu been abuur yahay, ninka Wargeyskuna waxaa uu yidhi waxaa la yidhaahda Cabdirisaaq, waxaanu caddaynayaa in ninkaas Wakiilka Gobolka Togdheer Xisaabiyaha uga ah Xisaabaadka Guud ee Dawladda aanu wadan wax gaadhi ah oo uu leeyahay Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dawladdu, isla markaana aanu jirin gaadhi naga jooga gobolka Togdheer oo uu leeyahay Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Waxaan kaloo shacabka u sheegaynaa in ay wararka noocaas oo kale ah anay dhag u dhigin.”
Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Al-qaacida oo ka hadashay dilkii Jaamac Cali Nebhaan




“Nebhan wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee Somaliya geeya farsamada wax qarxinta”
ayman al-dawaahiri




Muqdisho (waabarinews)Ururka Al-Qaacida ayaa soo saaray cajallad muuqaal ah oo ay ku weyneynayaan ninkii masuulka uga ahaa Soomaaliya ee Saalax Nebhan oo ay 14-kii bishii September ee sanadkan ku dileen ciidamo Maraykan ahi tuulo ka tirsan deegaanka Baraawe, iyagoo weliba qaatay maydkiisa.
Cajaladdan ayaa lagu sheegay in Nebhan uu Afghanistan ku soo
qaatay tababarro ay bixinaysay Al-Qacida ka hor inta aan loo dooran hoggaanka sare ee uu ka hayay ururka Al-Qacida.
"Wuxuu ka qayb-qaatay tababarkii la siiyay 19-kii nin ee taariikhda adduunka wax ka beddeshay (kuwii qarxiyay saraha Mareykanka), wuxuuna caan ku ahaa sida loo habeeyo dukumentiyada beenta ah (Foojari) oo ay isticmaaleen 19-kii nin ee New York qarxiyay", ayaa lagu sheegay cajalladdan.
Weerarkii Maraykanka kadib (2001-dii) ayuu u wareegay Nebhan Afrika, isagoo markaasi joogay Mombasa islamarkaana wax ka maleegay qaraxyadii lagu fuliyey Hoteelkii ay Yuhuudu ku laheyd magaalo-xeebeedka Mombasa ee waddanka Kiiniya.
Cajaladda ayaa sidoo kale fashilisay waxyaabo qarsoonaa, iyadoo weliba Nebhaan oo sidoo kale loo yaqaanay Abuu Yuusuf uu ka mid ahaa lafdhabartii kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu sheegay in uu yahay mid ka mid ah aasaasayaasha kooxdaasi.
"Abuu Yuusuf waxa uu ka mid ahaa ragga ugu cad-cad islamarkaana ugu khibradda badan Al-Shabaab, waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee farsamada wax qarxinta geeya Somaliya isagoo adeegsanaya miinooyinka meelaha fog-fog laga hago," ayaa lagu yidhii cajaladda ay soo saartay Al-Qaacida islamarkaana loogu baroor diiqayay hogaamiyahooda lagaga dilay Soomaaliya.
Sidoo kale cajaladda ayaa lagu sheegay in Abuu Yuusuf uu ahaa ruuxii ugu horeeyay oo baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay islamarkaana la isku qarxiyo ku farsameeyay gudaha Somaliya.
Ugu dambeyn Al-Qacida ayaa qirtay in Saalax Nebhaan uu ahaa fure muhiim u ah ururkooda islamarkaana wakiil uga ahaa geeska Afrika.Cajalladda ayaa lagusoo bandgigay sawiro iyo filimo muujinaya Nebhan oo ku tababaranaya Somaliya oo la jooga rag Somali ah oo uu ka mid yahay afhayeenkii hore ee kooxda Al-Shabaab Muqtaar Roobow iyo maleeshiyaad kale oo tababar uu siinayay.

Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Sh. Aadan-Siiro oo baaq u jeediyay M/weyne Rayaale & Axsaabta



“Wadaad Qori sita oo Gadh ula baxay ayaanu ka hor taagganahay Somaliland”
Sh. Aadan-Siiro
Hargeysa (waabarinews)- Sheekh Aadan Muxumed Xiirey (Aadan-Siiro), ayaa ka digay in talada Siyaasadeed ee Somaliland mar kale gacanta loo geliyo dalal Ajaanib ah. Waxaanu ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo qabto Doorashada Madaxtooyada. Isla markaana wuxuu baaq u jeediyay hoggaamiyayaasha Siyaasadda iyo Golayaasha Qaranka.
Sheekh Aadan-Siiro ka hadlay oo uu ku dheeraaday Komishankii hore ee Doorashada ee xilka iska casilay. “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa Komishankii Qaranka JSL ee hore, sababtoo ah waxay shaqaynayeen laba sannadood. Murankii iyaga iyo Axsaabta soo kala dhex galay waxay awood u lahaayeen, aqoonteedii bay leeyihiin, awooddeedii bay leeyihiin, waxaanay ka tirsan yihiin Beelaha Somaliland, hadday diidi lahaayeen inay runtii is-casilaan, waqti badan baa inaga lumi lahaa. Runtiina waa Kooxdii u horraysay ee iyaga oo wada-socda markii la yidhi wax baa jira, yidhaahda taladii waanu idinku soo wareejinay.” Ayuu yidhi Aadan-Siiro oo shalay ka hadlayay Munaasibad ay Komishanka cusub ee Doorashadu xilka kagala wareegayeen Komishankii hore. Waxaanu Aadan-Siiro talo u jeediyay Madaxda Siyaasadda Somaliland. “Waxaanan kula talinayaa hoggaanada Siyaasiga ah ee dalka jira iyo cid walba oo damac siyaasadeed leh inay barato han-dhaqanka ah, waar haddii lagu garan waayo, laga bilaabo Madaxweynaha, Axsaabta Qaranka, Golayaasha JSL inaynu barano haddii wax la saluugo in intaan lays xag-xagan uu yidhaahdo taladii Umaddaan ku soo celiyay. Midda kaliya ee aan Komishankii hore ku taageeray waa taas.
Sh. Aadan-Siiro wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Doorashada Madaxtooyada loo qabto si degdeg ah, taas oo uu ku tilmaamay inay waxyaabo badani ku xidhan yihiin. “Komishanka cusub waxaan leeyahay, waar doorashadaas degdeg ha loo fuliyo. Dalku marxalad kala guur buu ku jiraa, xalka JSL wuxuu maanta ku xidhan yahay Doorasho xalaal ah oo degdeg ah. Garsoorka waxa loo yaqaano waxay yidhaahdeen waa laba, in la soo af-jaro doodda iyo adiga oo dariiqii sharciga ahaa raaca oo fuliya, kaas ayaana garsoor la yidhaahdaa..hadday doorashadu raagto wax badan baa inaga si noqonaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dalkii waad ogtihiin dhinacyadii baa laga soo galay, hawl badan oo nabadgelyo ayaa inoo taala. Taasi waxay ku xidhan tahay xallinteedu doorashadaas oo inaga dhammaata. Waqtiga ugu yar ee ugu macquulsan ee ay wax idiinku suurtogalayaan doorashadaa ku qabta.”
Sh. Aadan wuxuu ku baaqay in aan talada Siyaasadeed ee Somaliland aan mar kale gacanta loo gelinin Ajaanib. “Midda kale waxaan idin leeyahay garsoor baad tihiin, dalka oo dhan idinkaa kala saaraya ee taladeena ha laga ilaaliyo dibedda. Ha madoobaado (Ajaanibku), ama ha caddaado, ama ha casaado, ama ha noqdo kuwa Indhaha Buluugga leh ama Indhaha yaryar, waar taladeenu inaga gacanteena ha inoogu jirto. Somaliland waxay halkaa ku soo gaadhay talo aynu leenahay, waxaan leeyahay Komishanka cusub, taladeenu yaanay idin dhaafin. Waan ogahay meelahaad ka tirsan tihiin, bashar baynu nahay, qofka bani’aadamka ahi wuu leexanayaa. Balse, wada tashi ku dhammeeya..Cid maanta idin raacaysaa ma jirto..” ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay Sh. Aadan-Siiro oo uu yidhi, “Anigu ma ihi mid Kursi haysta ama doonaya, balse waxaan aaminsanahay maanta in haddii Somaliland ay xor ahaato oo aan Kaaryoone kaxaysto dadka shaqeeyaan ahayoo, Wadaaddada aanu la dagaalamayno waxaanu kula dagaalamaynaa waxa weeye, Wadaad Qori sita oo wax doonaya. Waar bal Waranlihii baa loo taag la’yahaye, Wadaad Qori sita maxaad u malayn. Nin Direys soo xidha oo Gadh ula baxay, waa dadkaanu ka hor taagganahay JSL oo aanu leenahay ka daaya ha duminina umaddaa nabaddaa ku tashatay.”
Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Shalay: Nuxurka Kulan Markab Dagaal dushii ku dhex maray Masuuliyiin ka kala socday Somaliland & NATO



Berbera (Ogaal)- Masuuliyiin ka socda Isbahaysiga NATO ee la-dagaallanka Budhcad-badeedka ka dillaacay Xeebaha Soomaaliya u jooga Biyaha Badweynta Hindiya iyo Soomaaliya, ayaa shalay Markab kuwa Dagaalka ah dushiisa kulan kula yeeshay Masuuliyiin ka socota Somaliland.
Masuuliyiinta Gobolka Saaxil, Dekedda Berbera iyo Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo uu weheliyo Taliyaha Sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur Cismaan, ayaa shalay kulan la yeeshay Saraakiil ka socotay Ciidamada NATO ee ku sugan Biyaha Badweynta Hindiya iyo Soomaaliya ee dagaalka kula jira Budhcad-Badeedda, kuwaas oo Markab Dagaal oo shalay gelinkii dambe ku soo xidhay Berbera dushii ku qaatay kulan socday muddo saacado ah.
Markabkan oo la sheegay in laga leeyahay dalka Norway, isla markaana ka mid ah Maraakiibta Midowga Yurub ee ka qayb qaadanaya hawl-galka la-dagaallanka Budhcad-Badeedda ee ka socda Xeebaha Badweynta Hindiya iyo Soomaaliya, ayaa la sheegay in uu soo galbiyay Markab siday Raashin, isla markaana u rarnaa Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP.
Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Wararka ee Berberanews.com, Kabtanka Markabkan oo ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatanka Xeebaha Somaliland oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo ka nabad-galay Budhcad-badeedka iyo xasilooni-darrada ka jirta Xeebaha la deriska ah.
Dhinaca kale, GuddoomiyAHA Gobolka Saaxil Maxamed Cabdillaahi Maxamed oo isna kulankaa ka dib, ka hadlay Markabka dushiisa, ayaa sheegay in ay labada dhinac gaadheen is-faham la xidhiidha sidii laysaga kaashan lahaa la-dagaallanka Budhcad-badeedka. “Si fiican baanu isku fahanay, hawsha Bdhcad badeedkana waxaanu isla garanay in ammaanka xeebaha la adkeeyo, si wanaagsana loo wada shaqeeyo oo xataa wixi kootarabaan (qarsooodi) ah layska kaashado.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Cabdillaahi.
Kulankan dhexmaray Masuulliyiinta Gobolka Saaxil iyo Saraakiisha Maraakiibta Dagaal ee gaashaan-buurta NATO oo noqonaya kullankii ugu horeeyey ee noociisa ah, ayaa waxa kale oo ka qaybgalay ku-simaha Maayarka Berbera, ahna Maayar-ku-xigeenka Cabdi Jaamac Faduul iyo Taliyaha Cdanka Illaalada Xeebaha Somaliland Cismaan Jibriil Xagar.

Ciise shine xaashi
Waaberrinews/head office
Hargeysa,omaliland

Malta: Dood ka taagan dhalashada Ilmo yar oo Soomaali ah oo ku dhex dhashay Doon.



Malta (waaberinews)- Gabadh yar oo Soomaali ah ayay dood adagi ka taagan tahay dhalashada la siinayo, ka dib markii Gar-yaqaanka u doodaya Gabadhan yar oo ku dhalatay meel ka baxsan dalka Malta uu ku adkaystay in ay xaq u leedahay in la siiyo dhalasho Maltese ah.
Sida uu baahiyay Wargeyska Times of Malta oo aanu Warkan ka soo xiganay, Gabadhan yar oo lagu magacaabo Muna, ayaa dhalatay waqti Hooyadeed oo lagu magacaabo Khadra Jaamac ay ka tahriibtay Dalka Liibiya oo ay muddo ku sugnayd, isla markaana Fooshu ku qabatay Doonta dhexdeeda. Khadra Jaamac ayaa Warkani sheegay inay hore u dhashay oo ay wadatay laba hablood iyo Wiil lagu kala magacaabo, Cabdiraxmaan oo da’diisu shan jir tahay, Sagal oo afar jir ah iyo Saamiya oo saddex jir ah. Waxaanay Doonnida ka raacday Liibiya iyada oo Uur leh, kaas oo ay gabadhan yar ku dul umushay Doonta, una magac-bixisay Muna oo ah gabadha dhalashadeeda dooddu ka taagan tahay.
Looyarka u doodaya Gabadhan yar oo lagu magacaabo Tonio Azzopardi, ayaa sheegay in Muna ay dhalatay saddex maalmood ka hor intii Doontii ay Hooyadeed saarnayd aanay soo gaadhin Dalka Malta. Isla markaana ay ku dul dhalatay Doonta dusheeda, waqti aanay Doonnidu ku sugnayd meel ka baxsan Xadka Biyaha dalka Malta.
Inkasta oo aanay Muna ku dhalan xadka Biyaha Malta, haddana ka dib markii iyada, hooyadeed iyo 70 qof oo kale oo Tahriibayaal ah oo Doonta la saarnaa ay gaadheen Malta ka dib markii uu soo badbaadiyay Markab Ruushku leeyahay, ayaa Ciidamada Booliska ee dalkaasi diiwaangeliyeen dhammaantood. Taas oo uu Gar-yaqaanka u doodayaa uu ku andacoonayo in diiwaangelintaasi awgeed loo siiyo Warqadda Jinsiyadda ee dalkaas.
Waqtigan ayaa Khadra Jaamac iyo Inanteedu waxay ku nool yihiin dalka Faransiiska oo ay ka heleen magan-galyo, hase ahaatee, weli ma jirto Warqad dhalasho la siiyay. Waxaana socota doodda arrintaas.
Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Komishanka cusub oo diidday inay la wareegaan dayn Guddigii hore galeen




-Waa intee xaddiga daynta la wareegisteeda la diiday?
“Sowtaanu lacagtii akoonada taalay ku wareejinay….Agaasimaha waydiiya” Jaamac-Sweden

Hargeysa (waabarinews)- Komishanka cusub ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa diiday inay la wareegaan lacag dayn ah oo xaddi badan oo Guddigii hore galeen.
Guddoomiyaha Komishanka cusub Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) oo shalay ka hadlayay munaasibad ay xilka kagala wareegeen Guddigii hore, waxa uu sheegay in aanay la wareegin lacag dayn ah oo aanu xaddigeeda xusin oo Komishankii hore galeen, taasoo uu tilmaamay in aanay weli isla meel dhigin. Taas bedelkeedana waxa uu xusay inay la wareegeen qalabkii hay’adda Komishanka iyo agabka Doorashada.
Hase yeeshee, Guddoomiyihii Komishankii hore Jaamac Maxamuud Cumar oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay dayntaas, waxa uu ka warwareegay inuu iftiimiyo xisaabaadka ay la wareegisteeda Guddiga cusubi diideen. “Sowtaanu lacagtii akoonada (gal-xisaabeedyada Komishanka) taalay ku wareejinay….Agaasimaha waydii,” ayuu ku afeeftay Jaamac-Sweden.
Mar la sii waydiiyay waxa ay tahay daynta Guddiga cusubi diideen inay kala wareegaan, waxa uu si kooban u yidhi; “Iyaga waydiiya – ninka cusub (Guddoomiyah) iyo Agaasimaha waydii.”
Inkastoo labada dhinac midkoodna aanu farta ku fiiqan xaddiga daynta ay Guddiga cusubi diideen inay la wareegaan, haddanay siday Wargeyska Ogaal u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay, lacagtan oo ilaa $ 400,000 (afar boqol oo kun oo Doolar) ah, waxay Guddiga cusubi si cad Komishankii hore ugu sheegeen in aanay la wareegi karin, ka dib markii ay naaqishaad ku sameeyeen qaab-xisaabeedka dayntaa loo galay.
Warku wuxuu intaa ku daray, in ka dib markii labada dhinac wadahadalo ka yeesheen lacagtaas, ay isku waafaqeen in Guddigaa hore dayntaa meel uun kula galgashaan.
Siday ilahaasi tibaaxeen, lacagtan oo qayb ka ah lacago Interpeace balanqaaday, waxay Komishankii xilka wareejiyay ay balanqaadeen inay kula galgalan doonaan dhinaca Xukuumadda.
Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Warsaxaafadeed Madaxtooyada: Magacaabid Xil.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha ee Somaliland, ka dib markii uu Geeriyooday Agaasimihii Guud ee Hore, Marxuum Axmed Hurrre Jaamac.
Madaxweynuhu, isagoo tix-raacaya Qodobka 90-aad, isla markaana tix-geliyay Ahmiyada weyn ee ay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebuhu u leedahay dalka iyo dhismaha Qaranka, waxa uu u magacaabay, Mudane, Xasan Maxamed Jaamac in uu a haado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha JSL

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

mardi 3 novembre 2009

Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Somaliland,Cali Cabdi Odowaa ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhinayo jaamacada Hargeysa. Kaas oo loogu

Munaasibadii dhagax dhiga oo ay ka soo qaybgaleen madaxda jaamacada Hargeysa, masuuliyiin ka socday hay’ada UNDP oo iyadu maalgelisay kharashka dhismaha, iyo xubno ka socday xukuumadda Somaliland iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay, guddoomiye ku xigeenka jaamacada Hargeysa, Mubaarig Ibraahin Aar oo sheegay in dhismahan cusub uu faa’iido badan u yeelan doono mandaqada Geeska Afrika iyo Somaliland-ba, waxana hadaladii Mubaarig ka mid ahaa oo uu yidhi “Maanta waxaynu dhagax dhigaynaa dhisme cusub oo jaamacada Hargeysa lagu kordhiyay oo ay kharashkiisa bixinayso hay’ada UNDP, waxa uu center-kani xalin doonaa khilaafaadka ka dhaca Somaliland iyo weliba guud ahaan Somalia, khilaafaadka ayaa si cilmiyeysan loo xalin doonaa isla markaana waxa uu noqon doonaa goob lagaga hor tago khilaafaadka, waxa dadka loo tababari doonaa xalinta khilaafaadka iyadoo siminaaro loo qaban doono, waa meel runtii uu maanta dalku u baahnaa, run ahaantii waxay jaamacada Hargeysa hormood u noqon doontaa wax kasta oo cilmiga kor u qaadaya, waxan hambalyaynayaa hay’ada UNDP, waxan rajaynayaa in dhismahani si deg dega u dhamaado,waxa uu dhismahani yeelan doonaa shaqaale si wanaagsan loo tababaray”.

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada, Cali Cabdi Odowaa ayaa isaguna halkaa ka hadlay waxana hadaladiisii ka mid ahaa “ runtii dhismahani faa’iido badan buu u yeelan doonaa Somaliland, ilaahay khilaaf inaguma keeno laakiin koleyba haddii khilaafaadba yimaadaan inuu noqdo center-kani meeshii khilaafaadka lagu xalin lahaa, haddii uu hore u jiri lahaa center-kani waxa uu qayb libaax ka qaadan lahaa xalinta khilaafaadka, waa wax wanaagsan in xaruntan la sameeyo, waxan ilaahay ka baryayaa in xaruntani noqoto mid dalkeena wax u tara”.

Intaa kaddib waxa isaguna halkaa ka hadlay xidhiidhiyaha hawlaha bani’aadamnimada iyo dib u dejinta, hay’ada UNDP, Mark Bowden, waxana hadaladiisa ka mid ahaa “ waxan aad ugu faraxsanahay in aan ka soo qayb galo munaasibadan lagu dhagax dhigayo dhismaha cusub ee xarunta xalinta khilaafaadka, waa mid ka mid ah hawlaha ay UNDP ka qabato Somaliland inay ka qayb qaadato wax kasta oo lagu xalinayo khilaafaadka, mashruuca lagu dhisayo xarunta cusub waxa iyaguna maal gelintiisa ka qayb qaatay dalal ay ka mid yihiin Sweden, Norway iyo Ingiriiska iyo weliba ururada bulshada. Xaruntani waxay noqon doontaa mid si cilmiyeysan u xalin doonta khilaafka iyo weliba dambiyada dhaca, waxaynu ku nool nahay wakhti ay wax waliba is bedeleen oo dambiyada iyo khilaafaadku bateen, intii aan imanayay Somaliland waxyaabihii aan ogaaday waxa ka mid ahaa inay bateen dambiyada ay geystaan ciyaala suuqa oo uu kufsigu ka mid yahay. Markaa arrimahaas oo dhan ayay xaruntani u noqon doontaa mid ku xalisa hab cilmiyeysan. waxa jira khilaafyo badan, maaha xukuumadaha oo keli ah ee qoysaska laftooda ayaa mararka qaar u baahan in la xaliyo khilaafka soo kala dhex gala. Waxan.



Hargeysa(HWN):- Jimciyada gar-gaarka agoomaha ee Miskiin kal-kaal oo ka shaqeysa caawinta iyo u adeega dadka danyarta ayaa maanta soo bandhigtay qorshe cusub, oo ay ku dhiiri-gelinayso, isla markaana wax ku barayso waalidiinta danyarta iyo agoomaha ee ay hada gacanta ku hayaan.

Munaasibadii loo sameeyey qorshahan cusub oo ahaa furitaanka xarun cusub oo ay ugu talo-gashay in danyarta iyo agoonta yar yar hooyadood wax ka bartaan, ayaa waxa ka soo qeybgalay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cabdi Daa’uud, Madaxda Jimciyada Miskiin Kal-kaal, dad kale iyo marti sharaf.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jimciyada Miskiin Kal-kaal Mr.Axmed Muxumed Ibraahim oo ku magac-dheer Wadaad Cabdale ayaa sheegay inay soo bandhigayaan maanta xarun cusub oo wax lagu bari-doono Waalidiinta caruurta agoomaha iyo danyarta ee ay gacanta ku hayaan, kuwaas oo la bari-doono xirfada Dawaarka si ay ugula soo baxaan nolol maal-meedkooda.

“Maanta waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa sodonkii ugu horeeyey ee Dumar ah, oo ka mid aha laba boqol oo qoys oo agoomo ah, oo ay Jimciyadu gacanta ku hayso, waxaana la bari doona xirfada Dawaarka, taasna marka ay bartaan waxa la siin doona qalabka ay ku shaqeysanayaan” ayuu yidhi

“Waxaanan ugu tallo-galnay inay arrintani ay u noqonto kaabe dhaqaale, oo wax weyn ka tari-doona nolol maalmeedkooda,”ayuu yidhi Wadaad-cabdale.

Mar uu Wadaad-cabdale ka waramayey mashruucan wax lagu barayo sodonka Dumarka ah xirfada, waxa uu sheegay inuu mashruucan maalgeliyey nin reer Somaliland ah oo magaciisa la yidhaahdo Cabdalle Muuse oo wakhtigan degen Dalka Saudi Arabia.

Mid ka mid ah sodonkii haweenka ah ee waxbarashada xirfada Dawaarka loo furi doono oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa waxay u mahad-celisay Madaxda Jimciyada Miskiin Kal-kaal iyo cidii maalgelisay waxbarashadan la bari doono.

Ugu Danbeyntii waxa isna halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cabdi Daa’uud oo sheegay inay xukuumad ahaan si fiican wixii imika ka danbeeya ugala shaqeyn doonaan jimciyada waxyaabaha dadka danyarta wax loogu qabanayo ee lagu horumarinayo bulshada.

ciise shiine xaashi
waaberinews/office
hargeysa,somaliland

dimanche 1 novembre 2009

Lix Qof Oo Loo Xidhay Qaraxyadii Ka Dhacay Laas-caanood Iyo Bandoo Lagu Soo Rogay Magaalada.


Hargeysa(waabarinews) Nov.1, 2009 - Badhasabaabka Gobolka Sool Mr. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle) ayaa sheegay in qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool, loo xidh xidhay illaa lix qof isla markaana ay socoto baadhis qoto dheer oo lagu daba joogo cidii ka dambaysay qaraxyadan lagu dilay Talihii qeybta 12-aad ee Ciidanka Qaranka Cismaan Yuusuf Nuur.

Badhasaabka oo ku sugan Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa saxaafada u sheegay in muddo 24 saacadood ah bandoo lagu soo rogay Magaalada Laas-caandood, waxaanu yidhi “Waxa magaalada lagu soo rogay bandoo muddo 24 saacadood ah, magaalada ma jirto cid ka baxaysa iyo cid soo galaysaaba, waxaana ka socota baadhis qoto dheer oo aanan jeclayn inaan ka hor dhaco.waxaana la baadhayaa dadka socota ah ee magaalada ku sugan.”

Cali Sandulle wuxuu sheegay in qaraxan ka dhacay Laas-caanood loo adeegsaday miinooyinka rimuudka lagu hago, waxaanu yidhi “Qaraxan waxa loo adeegsaday miinada rimuudka lagu hago waxaana jiray warar hore oo dad odhan jireen waxa la dilayaa massuliyiinta maamulka gobolka Sool, oo Anigu aan ku jiro.”

Ciise shiine xaashi
Waabarinews/office
Hargaysa/somaliland