jeudi 5 novembre 2009

Guddida Joogtada ee Golaha Wakiilada oo Sheegay in la Anshax-marinayo Xildhibaano ka Qayb Galaya Shir lagu Kulansiiyo Somaliland iyo Soomaaliya.



Hargeysa(waabarinews) Nov. 02, 2009 - Xildhibaano ka tirsan Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in ay Shir-gudoonka Wkiilada u gudbinayaan anshax marin la xidhiidha Mudaneyaal ka tirsan golah Wakiilada, oo ka qayb galay shir Hay’ada UNDP ay dalka Jabuuti ugu qabanayso Baarlamaanka Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland oo gorfeynayo xakamaynta HIV/AIDS iyo sidii shuruuc loogu samayn lahaa.
Shirkaasi ka qaybgalaya xildhibaano ka tirsan goleyaasha wakiilada iyo guurtida, sidaasi waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo ay Xarunta Golaha ku qabteen laba Xildhibaan.
Guddoomiye ku xigeenka Guddi hoosaadka joogtada ah Golaha Wakiiladda Somaliland mudane Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in golaha wakiiladu ay dhambaal tacsi ah u dirayaan qoysaskii, ciidanka qaranka iyo shacbiga Somaliland ee u ka baxay taliyihii qaybta 12aad ee ciidanka qaranka Cismaan Yuusuf Nuur, oo ku dhintay qarax qorshaysan oo ka dhacay Axadii magaalada Laascaanood, waxaanu cambaareeyey cidii falkaasi ka dambaysay oo uu ku baaqay in maxkamad la soo taago.
“Gacan ku dhiigleyaashii ka dambeeyey falkaasna waxaanu ka codsanaynaa maamulka inay si degdeg ah u soo qaybtaan si maxkamad loo horkeeno,: ayuu yidhi xildhibaan Nacnac.
Gudoomiye ku xigeenka Guddida Joogtadu wuxuu sheegay in xcildhibaano ka tirsan Golahooda oo ka qaybgalaya shir lagu kulansiinayo baarlamaanada Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya, oo lagu qabanayo Jabuuti, waxaanu yidhi “Waxa jira niman xidhibaano ah oo tegay iyo kuwo ka hadhay oo Jabuuti kaga qaybgalaya shir ay ku kulm,ayaan baarlamaanka Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya iyadoo Somaliland-na laga dhigayo Gobol ka mid ah Soomaaliya, waxa xildhibaanadaasi haysta qaraar sharci oo labada gole ee baarlamaanku anshixiyeen 2003-dii oo dhigayay in ay mamnuuc tahay ka qaybgalka shirarka Soomaaliya.”
“Waxaanu idiin sheegaynaa haddii aanu nahay Guddida Joogtada ee Wakiilada in aanaan waxba ka ogeyn, anigu waxba kama qaban karno ee shirgudoonka ayaanu anshaxmarinta xildhibaanadan u gudbinaynaa,” ayuu yidhi xildhibaan Nacnac, wuxuu u mahadnaqay mudaneyaal shirkaasi markii ay xogtiisa heleen ka baaqdeay.
Dhinaca kale, xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye ayaa ka hadlay shirkaasi waxaanu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii uu ka baxay taliyihii qaybta 12aad ee ciidanka qaranka, waxaanu tilmaamay inuu ka wada baxay qaranka oo dhan.
“Waxa xil naga saaran yahay inaanu darisno shirkan xildhibaanadu u baxeen, waxaana meesha yaala in shirkaasi ka qaybgalkiisu uu nusqaan ku yahay dalka, mar haddii Somaliland loo aqoonsanayn qaran madaxbanaan, way haboon tahay in Somaliland qadiyadeeda la iib geeyo, balse ma aha in aynu ka qaybgalno shir la inoogu soo casuumay gobol ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yidhi Mudane Obsiiye.
Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire