jeudi 5 novembre 2009

Kismaayo: Al-Shabaab oo Shuruuc ka soo saartay Codadka Telefoonada & dareenka Shacabka


Nairobi (waabarinews)Kooxda Al-Shabaab ee ka taliya Magaalada Kismaayo, ayaa xukun ku soo rogay ciddii lagu qabto qaar ka mid ah codadka ay ku soo dhacaan Telefoonnada Gacantu. Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo Warkan baahisay, Kooxda Al-Shabaab ayaa mamnuucday Daawashada Filimada iyo sidoo kale Xarumaha lagu daawado. Sidoo kalena, waxay mamnuuceen Heesaha lagu codeeyo Telefoonada Gacanta ee cod ahaan ugu soo dhaca. “Al-Shabaab waxay doonayaan in Codadka Telefoonnadayadu noqdaan oo kaliya Xadiisyo iyo Quraan. Waxaan dhegaysan jiray Heesaha Hindiga ah, hase ahaatee, hadda waan tuuray.” Sidaa waxa tidhi oo Reuters u sheegtay Sacdiya Sheekh oo ka mid ah dadka degan Kismaayo.
Cali Maxamed Yuusuf oo da’diisu 19 Jir tahay, ayaa Gurigiisa dhuumasho kaga maqan, ka dib markii ay Kooxda Al-Shabaab xukun Karbaash ah kaga fulisay meel fagaare ah toddobaadkii hore, ka dib markii lagu qabtay Heeso Telefoonkiisa gacanta ku jira oo uu dhegaysanayay. “Ilaa imika way I damqanayaan 25-kii Karbaash ama Ulood ee layla dhacay.” Sidaa waxa yidhi Cali Maxamed oo u waramay Reuters. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxay igu eedeeyeen in aan Diinta u hoggaansami waayay. Mana doonayo hadda in aan kuu sheego halka aan ku suganahay, sababtoo ah waan cabsanayaa.”
Siday baahisay Reuters, dadka degan Magaalada Kismaayo ayaa tallaabadan ay Al-Shabaab qaadday ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciyadda, isla markaana waxay ku andacoodeen in Diiyan ay tahay in aan la kala goynin Axaadiista ee la dhegaysto, sidaas oo ay tahayna ay su’aali ka taagan tahay sida loo qabanayo ee looga jawaabayo Telefoonka Gacanta marka uu Xadiisku ku soo dhaco cod ahaan.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire