jeudi 5 novembre 2009

Komishanka cusub oo diidday inay la wareegaan dayn Guddigii hore galeen




-Waa intee xaddiga daynta la wareegisteeda la diiday?
“Sowtaanu lacagtii akoonada taalay ku wareejinay….Agaasimaha waydiiya” Jaamac-Sweden

Hargeysa (waabarinews)- Komishanka cusub ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa diiday inay la wareegaan lacag dayn ah oo xaddi badan oo Guddigii hore galeen.
Guddoomiyaha Komishanka cusub Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) oo shalay ka hadlayay munaasibad ay xilka kagala wareegeen Guddigii hore, waxa uu sheegay in aanay la wareegin lacag dayn ah oo aanu xaddigeeda xusin oo Komishankii hore galeen, taasoo uu tilmaamay in aanay weli isla meel dhigin. Taas bedelkeedana waxa uu xusay inay la wareegeen qalabkii hay’adda Komishanka iyo agabka Doorashada.
Hase yeeshee, Guddoomiyihii Komishankii hore Jaamac Maxamuud Cumar oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay dayntaas, waxa uu ka warwareegay inuu iftiimiyo xisaabaadka ay la wareegisteeda Guddiga cusubi diideen. “Sowtaanu lacagtii akoonada (gal-xisaabeedyada Komishanka) taalay ku wareejinay….Agaasimaha waydii,” ayuu ku afeeftay Jaamac-Sweden.
Mar la sii waydiiyay waxa ay tahay daynta Guddiga cusubi diideen inay kala wareegaan, waxa uu si kooban u yidhi; “Iyaga waydiiya – ninka cusub (Guddoomiyah) iyo Agaasimaha waydii.”
Inkastoo labada dhinac midkoodna aanu farta ku fiiqan xaddiga daynta ay Guddiga cusubi diideen inay la wareegaan, haddanay siday Wargeyska Ogaal u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay, lacagtan oo ilaa $ 400,000 (afar boqol oo kun oo Doolar) ah, waxay Guddiga cusubi si cad Komishankii hore ugu sheegeen in aanay la wareegi karin, ka dib markii ay naaqishaad ku sameeyeen qaab-xisaabeedka dayntaa loo galay.
Warku wuxuu intaa ku daray, in ka dib markii labada dhinac wadahadalo ka yeesheen lacagtaas, ay isku waafaqeen in Guddigaa hore dayntaa meel uun kula galgashaan.
Siday ilahaasi tibaaxeen, lacagtan oo qayb ka ah lacago Interpeace balanqaaday, waxay Komishankii xilka wareejiyay ay balanqaadeen inay kula galgalan doonaan dhinaca Xukuumadda.
Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire