jeudi 5 novembre 2009

Malta: Dood ka taagan dhalashada Ilmo yar oo Soomaali ah oo ku dhex dhashay Doon.



Malta (waaberinews)- Gabadh yar oo Soomaali ah ayay dood adagi ka taagan tahay dhalashada la siinayo, ka dib markii Gar-yaqaanka u doodaya Gabadhan yar oo ku dhalatay meel ka baxsan dalka Malta uu ku adkaystay in ay xaq u leedahay in la siiyo dhalasho Maltese ah.
Sida uu baahiyay Wargeyska Times of Malta oo aanu Warkan ka soo xiganay, Gabadhan yar oo lagu magacaabo Muna, ayaa dhalatay waqti Hooyadeed oo lagu magacaabo Khadra Jaamac ay ka tahriibtay Dalka Liibiya oo ay muddo ku sugnayd, isla markaana Fooshu ku qabatay Doonta dhexdeeda. Khadra Jaamac ayaa Warkani sheegay inay hore u dhashay oo ay wadatay laba hablood iyo Wiil lagu kala magacaabo, Cabdiraxmaan oo da’diisu shan jir tahay, Sagal oo afar jir ah iyo Saamiya oo saddex jir ah. Waxaanay Doonnida ka raacday Liibiya iyada oo Uur leh, kaas oo ay gabadhan yar ku dul umushay Doonta, una magac-bixisay Muna oo ah gabadha dhalashadeeda dooddu ka taagan tahay.
Looyarka u doodaya Gabadhan yar oo lagu magacaabo Tonio Azzopardi, ayaa sheegay in Muna ay dhalatay saddex maalmood ka hor intii Doontii ay Hooyadeed saarnayd aanay soo gaadhin Dalka Malta. Isla markaana ay ku dul dhalatay Doonta dusheeda, waqti aanay Doonnidu ku sugnayd meel ka baxsan Xadka Biyaha dalka Malta.
Inkasta oo aanay Muna ku dhalan xadka Biyaha Malta, haddana ka dib markii iyada, hooyadeed iyo 70 qof oo kale oo Tahriibayaal ah oo Doonta la saarnaa ay gaadheen Malta ka dib markii uu soo badbaadiyay Markab Ruushku leeyahay, ayaa Ciidamada Booliska ee dalkaasi diiwaangeliyeen dhammaantood. Taas oo uu Gar-yaqaanka u doodayaa uu ku andacoonayo in diiwaangelintaasi awgeed loo siiyo Warqadda Jinsiyadda ee dalkaas.
Waqtigan ayaa Khadra Jaamac iyo Inanteedu waxay ku nool yihiin dalka Faransiiska oo ay ka heleen magan-galyo, hase ahaatee, weli ma jirto Warqad dhalasho la siiyay. Waxaana socota doodda arrintaas.
Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire