jeudi 5 novembre 2009

Sh. Aadan-Siiro oo baaq u jeediyay M/weyne Rayaale & Axsaabta



“Wadaad Qori sita oo Gadh ula baxay ayaanu ka hor taagganahay Somaliland”
Sh. Aadan-Siiro
Hargeysa (waabarinews)- Sheekh Aadan Muxumed Xiirey (Aadan-Siiro), ayaa ka digay in talada Siyaasadeed ee Somaliland mar kale gacanta loo geliyo dalal Ajaanib ah. Waxaanu ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo qabto Doorashada Madaxtooyada. Isla markaana wuxuu baaq u jeediyay hoggaamiyayaasha Siyaasadda iyo Golayaasha Qaranka.
Sheekh Aadan-Siiro ka hadlay oo uu ku dheeraaday Komishankii hore ee Doorashada ee xilka iska casilay. “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa Komishankii Qaranka JSL ee hore, sababtoo ah waxay shaqaynayeen laba sannadood. Murankii iyaga iyo Axsaabta soo kala dhex galay waxay awood u lahaayeen, aqoonteedii bay leeyihiin, awooddeedii bay leeyihiin, waxaanay ka tirsan yihiin Beelaha Somaliland, hadday diidi lahaayeen inay runtii is-casilaan, waqti badan baa inaga lumi lahaa. Runtiina waa Kooxdii u horraysay ee iyaga oo wada-socda markii la yidhi wax baa jira, yidhaahda taladii waanu idinku soo wareejinay.” Ayuu yidhi Aadan-Siiro oo shalay ka hadlayay Munaasibad ay Komishanka cusub ee Doorashadu xilka kagala wareegayeen Komishankii hore. Waxaanu Aadan-Siiro talo u jeediyay Madaxda Siyaasadda Somaliland. “Waxaanan kula talinayaa hoggaanada Siyaasiga ah ee dalka jira iyo cid walba oo damac siyaasadeed leh inay barato han-dhaqanka ah, waar haddii lagu garan waayo, laga bilaabo Madaxweynaha, Axsaabta Qaranka, Golayaasha JSL inaynu barano haddii wax la saluugo in intaan lays xag-xagan uu yidhaahdo taladii Umaddaan ku soo celiyay. Midda kaliya ee aan Komishankii hore ku taageeray waa taas.
Sh. Aadan-Siiro wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Doorashada Madaxtooyada loo qabto si degdeg ah, taas oo uu ku tilmaamay inay waxyaabo badani ku xidhan yihiin. “Komishanka cusub waxaan leeyahay, waar doorashadaas degdeg ha loo fuliyo. Dalku marxalad kala guur buu ku jiraa, xalka JSL wuxuu maanta ku xidhan yahay Doorasho xalaal ah oo degdeg ah. Garsoorka waxa loo yaqaano waxay yidhaahdeen waa laba, in la soo af-jaro doodda iyo adiga oo dariiqii sharciga ahaa raaca oo fuliya, kaas ayaana garsoor la yidhaahdaa..hadday doorashadu raagto wax badan baa inaga si noqonaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dalkii waad ogtihiin dhinacyadii baa laga soo galay, hawl badan oo nabadgelyo ayaa inoo taala. Taasi waxay ku xidhan tahay xallinteedu doorashadaas oo inaga dhammaata. Waqtiga ugu yar ee ugu macquulsan ee ay wax idiinku suurtogalayaan doorashadaa ku qabta.”
Sh. Aadan wuxuu ku baaqay in aan talada Siyaasadeed ee Somaliland aan mar kale gacanta loo gelinin Ajaanib. “Midda kale waxaan idin leeyahay garsoor baad tihiin, dalka oo dhan idinkaa kala saaraya ee taladeena ha laga ilaaliyo dibedda. Ha madoobaado (Ajaanibku), ama ha caddaado, ama ha casaado, ama ha noqdo kuwa Indhaha Buluugga leh ama Indhaha yaryar, waar taladeenu inaga gacanteena ha inoogu jirto. Somaliland waxay halkaa ku soo gaadhay talo aynu leenahay, waxaan leeyahay Komishanka cusub, taladeenu yaanay idin dhaafin. Waan ogahay meelahaad ka tirsan tihiin, bashar baynu nahay, qofka bani’aadamka ahi wuu leexanayaa. Balse, wada tashi ku dhammeeya..Cid maanta idin raacaysaa ma jirto..” ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay Sh. Aadan-Siiro oo uu yidhi, “Anigu ma ihi mid Kursi haysta ama doonaya, balse waxaan aaminsanahay maanta in haddii Somaliland ay xor ahaato oo aan Kaaryoone kaxaysto dadka shaqeeyaan ahayoo, Wadaaddada aanu la dagaalamayno waxaanu kula dagaalamaynaa waxa weeye, Wadaad Qori sita oo wax doonaya. Waar bal Waranlihii baa loo taag la’yahaye, Wadaad Qori sita maxaad u malayn. Nin Direys soo xidha oo Gadh ula baxay, waa dadkaanu ka hor taagganahay JSL oo aanu leenahay ka daaya ha duminina umaddaa nabaddaa ku tashatay.”
Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire