jeudi 5 novembre 2009

Shalay: Xil-tirsigii Komishanka cusub iyo isdifaaca Guddigii hore





Hargeysa (waaberinews)- Komishanka cusub ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay xilka kala wareegay Guddigii hore ee culayskii la saaray isu casilay.
Munaasibad loo sameeyay xil-wareejinta oo shalay lagu qabtay Hargeysa, waxa ka qaybgalay Madax ka tirsan saddexda xisbi qaran, xubnaha Guddigii xilka wareejinayay, xubnaga cusub ee Doorashada iyo martisharaf kale.
Ugu horayn, Guddoomiye Kuxigeenkii Komishankii hore Cali Maxamed Cabdalla (Biikolo) oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu difaacay Guddigii uu ka tirsanaa. “Haddii ay noqotay in Komishankayagii hore lagaga baxsado murankii dalka ka dhacay, waanu aqbalay inaanu meesha ka baxno, laakiin waxaan doonayaa inaan tilmaamo waxyaabihii sababay in doorashadu qabsoomi waydo, si aanay mar dambe inoogu dhicin. Waxaan in badan maqlaa Komishankii hore (Komishankii 1aad ee Somaliland) in dadka dhexdiisa ay ka muteen ammaan badan oo la yidhaahdo saddex doorasho ayay qabteen, aniguna waan la qabaa. Laakiin, Komishankayagan xilka laga wareejinayo; waxa la yidhi ‘nin baa habari legaday, markaasay dadkii ku dhowaa aad iyo aad ula yaabeen oo ku yidhaahdeen, adigoo nin weyn ah oo xooggaas leh sidee ayay habari kuu legaday?. Wuxuu yidhi; ‘nimanyahow saddex baa isku kay galay, meesha aan joogay oo kala dheerayd iyo meesha oo sii-siibanaysay, Islaantuna sin-saarada ayay taqaanayoo way I legaday!,” ayuu yidhi Mr. Biikolo. Wuxuuna intaa ku daray, in Guddigoodii lagu sameeyay farogelin aanu xusin cidda ay kaga timi, taas bedelkeedana waxa uu ka digay inaan farogelinlagu samayn.
Guddoomiye kuxigeenkii Komishankii hore waxa uu sheegay in wixii fashiliyay Diiwaangelintu ay ahayd Mishiinka Serverka ee kala hufayay liiska Codbixiyeyaasha Somaliland.
Guddoomiyihii Komishankii is eersaday Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac-Sweden) oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu faahfaahin ka bixiyay sababihii xagal-daaciyay nidaamka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland.“Anigu run ahaantii, hadalka aan halkan ka jeedinayaa wuxuu noqonayaa mid aan isleeyahay cashar ha u noqdo Komishanka cusub. Ugu horeyn, mashruucii Diiwaangelinta markiiba waxaanu ka muujinay saluug, khaladka ugu weyn ee farsamo wuxuu ahaa nidaamka Farta oo aan waxba qabanayn, kaasoo ka soo horjeeda sidii loogu talogalay. Haddii Fartu qaban wayday waxaynu aad u la soconaa inaanay waxba soconayn oo aan la kala shaandhayn karin. Bani’aadmi ayaynu nahay oo waynu khaldami karnaa, waxaanu raali gelin ka bixinaynaa wixii khalad naga dhacay,” ayuu yidhi Jaamac Maxamuud Cumar. Wuxuuna intaa ku daray, “Ammaanta waxa leh xisbiyada Qaranka iyo labada Gole oo uu u muuqday Kursi aan meesha oolini. Dadweynuhu adkaysi badan bay sameeyeen, ammaantooda ayay leeyihiin, haddii Sharciga dalka u yaala la raaco mashruuca Diiwaangelinta waxba kama xumaanayaan. Markaa waxaan leeyahay Komishanka cusub iska hubiya gal ulbaa lagu hubiyaaye’e idinka oo u dhana isla eega.” Wuxuuna ku doodday in awood ahaan ay qaban karayeen doorashada, maadaama ay lixdan maalmood ku hirgeliyeen Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha. Hase yeeshee, waxa uu tilmaamay in Diiwaangelintu noqotay caqabada ugu wayn ee ay Doorashada ka qaban kari waayeen, wuxuuna faahfaahiyay duruufo kale oo Komishan ahaan deris la ahaa.
Mr. Jaamac-Sweden waxa uu sheegay in mar kasta ay Xukuumadda waajib ku tahay bixinta kharasha Doorashada lagu qabanayo oo dhan, wuxuuna soo jeediyay in aan la isku halaynin Deeqbixiyeyaasha dibadda, isla markaana waxa uu sheegay in talada dalku ay ku jirto gacanta Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu hambalyo iyo dardaaran u jeediyay Guddiga cusub ee Doorashada Somaliland. “Waxaan mahadnaq u soo jeedinayaa Guddiddii Doorashooyinka Qaranka ee xilka laga wareejinayo - inkasta oo waqti badani inaga lumay, haddana waxbay qabteen, waanad ku mahadsan tihiin inaad fududeysaan markii aad aragteen si kasta ha loo kala cowdee, kollay wax badan baad qabateen,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Wuxuuna intaa raaciyay; “Komishanka cusub aad baan u soo dhawaynaa - Illaahay ha u fududeeyo xilka, hawl culus baa idiin taala, waxa la shaqayn doontaan dad ajanabi ah iyo dad muwaadiniin ah, waxa looga baahan yahay Cadaalad badan, barnaamijkuna maaha mid fudud. Umadda iyo dunida oo dhan ayaa idin eegaysa, waxa wadamada Afrika ka dhacaya waad ogtihiin, gaar ahaan Soomaaliya oo dagaalkeedu ina soo gaadhayo, waxa la inagu colaadinayaa waxa weeye; Dimoqraadiyada, degenaanshaha iyo waxa aynu qabsanay oo laga xun yahay.”
Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee xisbiga talada dalka haya ee UDUB Jaamac Faarax Yaasiin oo hadal ka jeediyay munaasibadaa xil-wareejinta, waxa uu amaan u jeediyay Komishankii hore oo uu tilmaamay inay qaateen talaabo geesinimo ah, isla markaana ay tanaasuleen. Xoghayuhu waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaan Komishanka cusub. “Komishanka cusub waanu soo dhawaynaynaa, waxaan u sheegayaa xulistii la soo xulay inay ka dambaysay dhaar, dhaartuna waxay keenaysaa inaydaan kala raacin dhinacyada tartamaya. Waxaan odhan lahaa saddexda xisbi qaran aynu ka dayno dibin-daabyada hoose oo aynu ku dabaqno Shuruucda wadanka,” ayuu yidhi Xogahayha Guud ee xisbiga UDUB.
Cabdilaahi Siciid Ismaaciil oo u hadlay xisbiga UCID oo hadal kooban munaasibadaa ka jeediyay, waxa uu soo jeediyay in Axsaabta siyaasaddu hawsha Doorashada Komishanka u daayaan. “Qoladii (Komishankii) hore waxba ka odhan maayo oo waabay ka tageen meesha oo Xilka way wareejiyeen. Balse, qolada (Komishanka) cusub duco badan iyo waano badan waa la yidhi, hase ahaatee anigu waxaan qabaa inay yihiin niman Kambalka reerka loogu xidhay in uu cuno habar-dugaag. Niman loo xidhay in uu Libaax iyo bahal in uu cuno loo xidhay. Habar-dugaaggaasi ama wuu cuni ama way iska celin. Qofka laftiisana Xilkaa tuujiya oo wuxuu yahay baa soo baxa, dadnimadiisa, waddaniyaddiisa, Iimaankiisa iyo ragganimadiisa..Xilkaasi wuu idin tuujin, sidaa laydiinku ducaynayana, waanu idiinku ducaynaynaa ee Ilaahay Xilka ha idiin fududeeyo..Doorashooyinka masuuliyaddeeda wax leh Komishanka, maaha in ay Axsaabtu yidhaahdaan taana noo qabta Doorashada, taana ha qabanina,” ayuu yidhi Cabdillaahi Siciid-Dheere.
Guddoomiyaha Komishanka cusub ee Doorashada Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari) oo hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu u mahadceliyay Komishankii hore ee ay xilka kala wareegeen oo uu sheegay inay wax soo qabteen. Hase yeeshee, waxa uu tilmaamay in hawsha intii ugu badnayd ay iyaga Guddigooda cusub u taalo.
Guddoomiyuhu waxa uu shacbiga Somaliland u soo jeediyay inay ka dhursugaan Komishanka cusub oo uu sheegay inay dedaal u galayaan sidii ay Doorashooyinku u qabsoomi lahaayeen.
Ciise shine xaashi
Waaberrinews/office
Hargeysa,omaliland

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire