jeudi 5 novembre 2009

Xafladdii furitaanka 'Timocadde University' ee magaalada Gebiley. Xafladdii furitaanka 'Timocadde University' ee magaalada Gebiley.



(waaberinews)unaasibad loo sameeyay furitaanka Jaamacadda Timacadde oo laga dhisay duleedka Waqooyi ee Gabilay, isla markaana loogu magacdaray Abwaankii weynaa ee reer Somaliland Cabdillaahi Suldaan Timacadde, ayaa waxa ka qaybgalay Wasiiro Xukuumadda ka socday, Masuuliyiinta sarsare ee Xisbiyada Siyaasadda, Culima-awdiin, Aqoonyahaniin, Madax-dhaqameed, Marti-sharaf iyo dadweyne kale oo tira badan.

Ugu horeyn Badhasaabka Gobolka Gabilay Maxamed Aw Cabdi (Xabiib), oo xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Maanta xadhiga laga jaro Jaamacadda Gabilay oo ay hawsheeda la bilaabay wakhtigii Gobolka loo magacaabay, isla markaana waxa uu gacmo furan ku soo dhaweeyay guud ahaanba Masuuliyiintii iyo Marti-sharaftii Munaasibaddaa ka qaybgalay. "Waxaan idinku soo dhawaynayaa Xafladan xadhiga lagaga jarayo Jaamacadda cusub ee Timacadde oo aan aad ugu faraxsanahay inaynu maanta isugu nimaadno furitaankeeda. Waxaanan idin leeyahay ku soo dhawaada Gabilay, idinka oo ku mahadsan wakhtigiina qaaliga ah ee aad u soo horteen inaad ka soo qaybgashaan xafladdan." Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Gabilay.

Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro), oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa soo dhaweeyay Jaamacaddan cusub, waxaanu isla madashaas kaga dhawaaqay lacag qaadhaan ah oo 2000 oo Doollarka Maraykanka ah, waxaana qof kasta oo ka mid ahaa dadkii Madashaa Jaamcadda loogu wanqalay kaga dhawwaaqay lacag qaadhaan ah oo ay ku darsadeen hawlaha Jaamacadda cusub.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-Gadhwayne), oo xafladaas ka hadlay, ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashadu hore u xidhay ruqsadda jaamacado cusub oo dalka laga sameeyo, si aanay tayadu uga lumin, balse Madaxweyne Rayaale jaamacadda Gabiley ee Tima-cadde uu ku ogolaaday digreeto madaxweyne, taas oo noqotay jaamacaddii kowaad ee uu digreeto ku soo saaro.

"Waxaan idiin sheegayaa in jaamacaduhu wada yihiin ku-meelgaadh, sharcigoodu muu dhammaan oo sharci-yaqaanka ayaa darsaya, aqooyahankeenii ayaa soo diyaariyey, guddi qaabilsan waxbarashada sare ayaa loo samaynayaa, kadibna qiimayn ayaa lagu samayn doonaa dhammaan jaamacadaha dalka inay leeyihiin wixii jaamacad laga rabay," ayuu yidhi Xasan-gadhweyne. Wasiirku waxa kale oo uu ka waramay qorshaha wasaaraddiisa ee horumarinta waxbarashada, taas oo uu xusay inay sannadkan ugu muhiimsan tahay in waxbarashada la deegaameeyo, si meel kasta looga helo waxbarasho.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), ayaa isaguna hadal dheer oo uu Munaasibaddaa ka jeediyay waxa uu kaga hadlay muhiimadda waxbarashada iyo sida loogu baahan yahay in awoodda laysugu geeyo kobcinta aqoonta bulshada. Waxaanu sheegay in Somaliland gaadhi dallacan oo Foosto saaran. Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi Gaariye. "Nimanyahow gaadhi baynu saaranahay, gaadhigaasina wuu dallacan yahay oo foostooyin ayuu saaran yahay, darawalku halka hore ayuu fadhiyaa, shicibkuna buudhiga ayuu saaran yahay, gaadhigaasi wuu istaadhan yahay oo taayirada ayuun baa wareegaya, rakaabka gaadhiga saarani way wada hurdaan oo bustaa wada saaran, koomay ku jiraan, guuxaa ayuun bay dhegaysanayaan markay sannad hurdaan ayuun bay odhanayaan oo halkii ayuun baynu taaganahaye wixii guuxayey muxuu ahaa."


"Kolba darawalka saaran ayey odhanayaan ka soo deg mid kale ayaanu saarayaaye. Weli waxa la la'yahay caqligii odhan laha waar gaadhigu wuu dallacan yahaye dhulka dhiga taayiradu ha wareegaane. Waar bal waxaan leeyahay doorkan maanta ah waxaad inoo doorataan cid taayirka dhulka dhigta oo bahalka ha dhaqaaqee illeyn guux uun dhagaysan mayno toban sannadoode, nabadgelyadana inoo ilaaliya." Sidaa ayuu yidhi Abwaan Gaariye.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire